Shirka Hogaamiyeyaasha Jaamacadda Carabta ayaa Maanta ka furmaya caasimada dalka Urdun ee Cammaan ,waxaana ka qeyb galaya hogamiyeyaal badan oo ka socda Wadamada Jamacadda Carabta.
Shirka qodobada looga hadlayo, waxaa ka mid ah Abaaraha ka jira Soomaaliya ,dhibaatooyinka ay la kulmayaan Falastiniyiinta, dagaalada ka socda Yemen.
Warbaahinta caalamka oo soo xiganaysa madaxda ka tirsan Jaamacadda Carabta ayaa sheegay in wadamada Jaamacadda carabta ay si buuxda u taageeri doonaan Dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay lacago badan ugu yaboohi doonaan dadka ay Abaaruhu Saameeyeen
Wakaalada Wararka ee dalka Urdun ayaa sidoo kale ku warameysa in qodobada looga hadlayo shirka ay Soomaaliya uga jirto kaalmaha Hore.
Shir ay yeesheen Wasiirada Arimaha dibada ee dalalka Jaamacadda Carabta ayaa si weyn loogu faaqidaday Abaaraha Soomaaliya.
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galaya Shirka hogaamiyeyaasha Jaamacadda Carabta.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu Shirka ka jeediyo Khudbad dheer oo uu kaga hadlaayo abaaraha ka jira Soomaaliya.


