shir Looga hadlayo Xakameynta Hubka oo Muqdisho ka furmay

Wasiir kuxigeenka Wsaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya C/fitaax Qaasim ayaa manta magaalada Muqdisho wuxuu ka furay Shirweyne looga hadlayo  Maareynta Hubka, Rasaasta, iyo Walxaha Qarxo,kaas oo socon doono muddo labo maalmood  ah.
Shirka  waxaa ka qayb galaya madax ka tirsan Dawlada Federaalka , dowlad goboledyada iyo xubno ka socda beesha Caalamka.
Waa shirkii uga horreeyay ee  la qabto tan iyo markii Soomaaliya laga qaaday Cuna-qabateynta hubka horaantii bishii December 2023kii.