Shir looga hadlayo Mashaariicda Bankiga Hormarinta Afrika oo Maalintii labaad galay

Waxaa Maalintii labaad galay  shir u dhexeeya Dowladda Soomaaliya iyo Bankiga horumarinta Afrika, shirkaas oo dib loogu eegayo mashaariicdii uu ka fuliyay dalka tan iyo 2022- 2024.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya  Biixi Imaan Cige ayaa furay shirka oo  dhammaan hay’adaha dowladda lagu qiimeyn doono  mashaariicda Bankiga horumarinta Afrika uu maal gelinayay sanadihii lasoo dhaafay, wax qabadkoodii iyo caqabadihii uu la kulmay.

Qiimeyntan ayaa saldhig u noqon doono qorshaha Bankiga horumarinta Afrika uu diyaarinayo shanta sano ee soo socoto, sida uu sheegay Wasiir Biixi Iimaan Cige.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa Bankiga horumarinta Afrika ugu mahad celiyay doorka ay ka qaateen kobaca dhaqaalaha dalka iyo dhiirri gelinta maalgashiga iyo xasaradaha ka dhasha is-beddelka cimilada.