Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ka furmay Madasha Soomaaliya iyo dalalka safka hore oo looga hadlayo isku dubaridka howlgallada dalka looga saarayo Ururka Al-Shabaab, waxaana ka qeyb galay mas’uuliyiin katirsan dowladda Soomaaliya iyo dalalka ay Ciidamada ka joogaan Soomaaliya.
U jeedka kulanka ayaa lagu sheegay in uu yahay in qorshe mideysan lagu bilaabo wajiga labaad ee howlgalka dib u xoreynta dalka, kaas oo ay ka qeybgali doonaan ciidamada dalalka dariska.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Janeral Cabdullaahi Cali Caanood ayaa Warbaahinta u faah faahiyay qodobada shirka looga hadlayo mudada saddexda Cisho ah oo uu ka socon doono Magaalada Muqdisho.
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa sheegay in muhiimada shirka uu yahay sidii loo bilaabi lahaa wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab, kaas oo ay ka qyeb qaadaan doonaan Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa dalalka deriska ah.
Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Somaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay inay muhiim tahay inay dalalka deriska ka qeyb galaan dagaalka dalka looga saarayo Al-Shabaab oo uu sheegay inay dhibaato ku yihiin xasiloonida iyo Amniga Gobolka.
Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan kumanaan askari oo badi ka socda dalalka deriska, waxaana ay Ciidamada dowladda kala qeyb galaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo sugida amiga xarumaha dowladda.



