Shir looga hadlaayo Doorashada oo Xalane ka socda

Xarunta Xalane ee Magaalada Muqdisho, waxaa hada ka socda kulan looga hadlaayo arimo ku aadan Doorashooyinka Soomaaliya.

Kulankaan ayaa wuxuu u dhaxeeya Wakiika Qaramada Midoobay ee arimaha Somaliya iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Ujeedka ugu weyn ee kulanka ayaa ah waqtiga rasmiga ah ee ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha dalka in la isla garto, maadaama dhowr mar dib u dhac ay ku timid.

Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Doorashada Madaxweynaha oo loo balansanaa inay qabsoonto 30-ka Bishan inuu dib u dhac ku yimid, waxaana suuragal ah in madaxda hada shireysa ay ka wada hadli doonaan arimaha ku aadan waqtiga Doorashada ay dhaceyso.

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari Guddoomiyaha Baarlamaanka Waqtigiisa dhamaaday, ayaa soo jeedinaya tallooyinka ugu macquulsan ee ku aadan xilliga Doorashada la qaban karo.

Michael Keating Wakiilka Qaramada Midoobay ayaa horay u sheegay Doorashada Madaxweynaha inay dib uga dhaceyso xilligii loo balamay, waxaana Qiyaas ahaan uu sheegay Doorashada inay dhici karto 15ka December oo ah Bisha soo socota.