Shir lagu heshiisiinayo beelo ku dagaalamay G/Sh/Dhexe oo maanta ka furmay degmada Warsheekh.

Gudoomiyaha Gobolka Shabellaha Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Wasiirka Wasaarada dib u hishiisiinta Hirshabelle mudane Cabdullaahi Cadde ayaa Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabellaha Dhexe ka furay shirka dib u hishiisiinta Beelo Walaalo oo isku gacan gaaray deegaano hoostada Warsheekh

Shirka waxaa goob joog ahaa Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka Hirshabelle Gudoomiyaasha Degmooyinka Warsheikh,Balcad ,laamaha amniga iyo Mas’uuliyiin kale

Waxaana la isku keenay shirka odoyaasha labda dhinac ee dirirtu dhexmartay

Gudoomiyaha ayaa ugu baaqay labada dhinac in la qaato hishiis nabadeed si aysan uso noqon colaada ragaadisay dadka degan Gobolkan.