Shir hoggaanka Ahlusunna uga socda Magalada Dhuusamareeb

Wararka laga haleyao Magalada Dhuusamareeb ee Xarunta rasmiga ah ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayan in halkaasi uu ka socdo kulan xasaasi ah oo u dhaxeeya Hoggaanka Ahlsunna sida Sheekh Cabdirisaaq Al-shcari, Macalin Maxamuud iyo madaxa Xukuumadda Maamulka Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Wararka ayaa waxa ay intaasi ku darayaan in kulanka intiisa badan looga hadlayo Amniga Guud ee Magalada Dhuusamareeb & Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay Maanta geysay halkaas, iyada oo hoggaanka Ahlusunna ay walaac ka muujinayaan Ciidamadaas.

Markii uu soo geba-gaboobo shirka ayaa la filayaa in  in hoggaanka Ahlusunna ay War saxaafadeed ka soo saaraan shirkooda,isla markaana ay uga hadlayaan arrimo badan oo ku saabsan xaalada Dhuusamareeb iyo tabashooyin ay ka qabaan Dowladda Federaalka.

Dowladda Soomaaliya ayaa saakay waxaa ay silama filaan ah Magaalada Dhuusamareeb u geysay Ciidamo si gaar ah u tababaran oo ka tirsan Booliska Soomaaliya,kuwaas oo la wareegay Ammaanka Garoonka Diyaaradaha, Xarunta Madaxtooyada & Xarumo kale.