Shir ay ka qeyb-galayaan Hay’ado Caalami ah oo ka furmaya Garoowe

Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa lagu wadaa in Maanta oo Talaado ah in uu Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaalk uu ka furo Shir muhiim ah.

Shirkaas ayaa ah dib u eegista Waxbarashada Puntland oo sanadkiiba mar la qabto,waxaana ka qeyb-geli doona Madaxa Hay’adda Global Education Partnership Mr. Morten Sigragade iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada, Madaxa arrimaha Waxbarashada Midawga Yurub ee Soomaaliya, Hay’adda UNICEF, Care International iyo Hay’addo kale.

Madaxweyne kuxigeenka Goboleedka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sheegay in Hay’adaha kulanka ka qeyb-galaya ay Puntland ka caawin doonaan dhinaca horumarinta waxbarashada Puntland.