Shimon Peres qof noocee ah ayuu ahaa?

Shimon Peres oo ahaa Siyaasiga rug caddaaga ah ee reer Israa’iil isla markaana hadda ka hor ku guuleystay billadda nabadda ee Nobel Peace Prize ayaa geeriyooday. Peres ayaa da’diisu ahayd 93 sano, waxaana la dhigay cusbitalka labo usbuuc ka hor, xilligaasi oo uu soo ritay xanuunka faaligga.

Shimon Peres ayaa waxa uu ka mid ahaa jiilkii ugu dambeeyay ee siyaasiinta Israa’iil ee u soo joogay aasaaskii Israa’iil sanadkii 1948-kii.

Ra’iisal Wasaraaha Isarel, Benjamin Netanyahu, ayaa ku tilmaamay in uu ahaa nin nabadeed.

Sanaddadii ugu horreeyay, waxa Peres loo arkayay dagaal ooge balse 1990-meeyadii waxa uu door muhiim ah ka qaatay heshiis siyaasadeed oo israa’iil ay la gashay Falastiyiniinta.

Shimon Peres wuxu ahaa mid ka mid ah rukunnada siyaasadda Israel ilaa dhalashadii dalkaas sannadkii 1948. Wuxu soo qabtay xilal badan oo dawladeed oo uu ka mid ahaa xilka ra’isal wasaarenimo.

Peres wuxu bishii August sannadkii 1923 ku dhashay magaalada Fishiniyeva oo ka horay uga tirsanayd dalka Poland haddase ka mid ah Belaruss oo aabihii ka ahaa ganacsade ka baayac mushtara looxa, magaciisii asalka ahaana wuxu ahaa Simon Berisky.