Shilkaan oo ahaa mid gaarai ayaa waxaa uu xalay ka dhacay halka loo yaqaano Dooxa Huluuqeedee degaanka Arabsiyo oo ka tirsan Magaalada Gabiley ee deegaannada Soomaaliland.
Shilka ayaa waxaa goobjoogayaal sheegeen in uu yimid,kadib markii ay isku dhaceen laba garai oo kala ahaa mid nooca Xamuulka qaado ah ee loo yaqaano Waaraadka iyo Gaari yar,waxaana ku geeriyooday laba ruux oo kala ahaa Wiil iyo Gabar.
Ciidamo ka irsan kuwa Booliska Soomaaliland ayaa tegay halka uu shilka ka dhacay, iyaga oo goobta ka qaaday labada Ruux ee shilkaasi ku geeriyootay iyo laba kale oo shilka ku dhaawacantay si loo daweeyo.
Wadada xiriirisa Maglooyinka Hargeysa iyo Gibileey ee deegaannada Soomaaliland ayaa waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay shilal sababay khasaaro kala duwan,waxaana la sheegay in wadadaaasi ay tahay mid burbursan.



