Shil geystay dhimasho & dhaawac oo ka dhacay Somaliland

Shilkan oo ahaa mid Gaari ayaa waxaa uu Maanta ka dhacay degaa  kuyaalla duleedka degaanka Wajaale dhinaca Somaliland ee Gobolka Gabiley.

Shilka ayaa waxaa uu yimid kadib markii ay isku dhaceen Gaari noociisu yahau basaska yaryar ee rakaabka iyo gaariga degaannada Somaliland looga yaqaano Shaamboo ama Waaraadka.

Inta la xaqiijiyay shilka ayaa waxaa ku dhintay laba qofood halka hal ruux oo kalena uu ku dhaawacmay, kuwaas oo dhaawacooda la geeyay Isbitaalka degaanka Wajaale.

Shilalka Gaari oo geysta khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ayaa bilihii la soo dhaafay kusoo batay degaannada Somaliland.