Shil gaari oo ka dhacay Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya degmada Wadajir ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay shil gaari oo geystay Khasaare kala duwan.

Shilka ayaa yimid ka dib markii gaari Kaarib ah oo xowli ku socday uu farriinka goostay,islamarkaana uu jiiray goobo ka ganacsi oo halkaasi ku yaalla.

Shilka ayaa ka dhacay Bartamaha Suuqa Koowo Godey ee degmada Wadajir sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

Hal qof oo dumar ah ayaa ku dhawaacantay Shilkaasi, waxaana loo cararay goobaha Caafimaadka.

Ruuxa gaariga watay ayaa la sheegay in uu ka mid ahaa Ciidamada dowladda Soomaaliya.