Shiinaha oo xoojinaya dagaalka ka dhanka Kooxaha Burcadbadeeda

Dowladda Shiinaha ayaa sheegtay in ay xoojinayso howlgalka ka dhanka Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida ee ka socda Xeebaha Soomaaliya iyo sidoo kale meelaha ka baxsan.

Dowladda Shiinaha waxa ay sheegtay in ay muhiim tahay in laga shaqeeyo ciribtirka Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida oo Sanadkaan soo laba kacleeyay.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibadda Shiinaha  Geng Shuang ayaa sheegay in dowladda Shiinaha ay ciidamo dheeraad ah iyo sidoo kale Maraakiib dagaal ay u soo diridoonto Soomaaliya.

“Dowladda Shiinaha waxa ay sii xoojinaysa dagaalka Caalamiga ah ee ka dhanka ah kooxaha Burcad badeeda Soomaalida, waxaana xusid mudan in Shiinaha  uu  ka hortagay Weeraro badan oo ay soo abaabuleen Burcadbadeeda” ayuu yiri Geng Shuang

Ciidamada dowladda Shiinaha ayaa 2008-dii kusoo biiray dagaalka ka dhanka ah  Kooxaha Burcadbadeeda.