Shiinaha oo Mareykanka u diray farriin hanjabaad ah

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa kulan la qaatay dhiggiisa Mareykanka Joe Biden, isagoo uga digay in raadinta madax-bannaanida Taiwan ay la mid tahay “in dab lagu ciyaarayo”.

Wadahadalladan ayaa loo arkaa kuwii ugu muhiimsanaa tan iyo markii Mr Biden uu xafiiska la wareegay bishii Janaayo.

Labada dhinac ayaa isku raacau xidhiidhka labada dhinac in la hagaajiyo, iyada oo kulankani uu awelba uu ahaa mid lagu doonayo in lagu yareeyo xiisadaha ka aloosan dhexdooda.

Xaaladda madaxbanaanida Taiwan ayaa loo arkaa mid ka mid ah waxyaalihii ugu adkaa ee ay ka wada hadlaan.

Inkasta oo ay ereyo adag ka yiraahdeen xaaladda Taiwan, haddana kulanka ayaa ku bilowday iyadoo labada hoggaamiye ay si diiran isusoo dhaweeyey, iyadoo Mr Xi uu sheegay inuu ku faraxsan yahay inuu arko saaxiibkiisii hore ee Mr Biden.