Shiinaha oo isku diyaarinaya dagaal uu ku qaado Taiwan

Maamulka Taiwan ayaa ku eedeeyay Shiinaha inuu u biro tumanayo dagaal toos ah oo ka dhan ah jasiiradda, iyadoo dhowaanahan uu dhoolatus milateri ka waday marin-biyoodka Taiwan.

Maraykanku wuxuu taageeray Taiwan, isagoo ku eedeeyay dowladda Beijing inay ku dhaqaaqday falal kicin iyo taxaddar-la’aan ah. Xiisadda gobolka ayaa sii socotay afartii maalin ee la soo dhaafay, kaddib booqashadii Taiwan ee Afhayeenka Aqalka Wakiillada Mareykanka, Nancy Pelosi.

Sida laga soo xigtay mas’uuliyiinta Shiinaha, booqashada Nancy Pelosi ayaa noqotay mid khatar ku ah nabadda iyo xasilloonida marin-biyoodka Taiwan.

Warbaahinta Shiinaha oo soo xiganaysa ilo rasmi ah, ayaa ku warrantay in ciidamada dalkaas ay hadda si joogto ah dhoolatus milateri uga sameynayaan dhinaca marin-biyoodka “Taiwan”, taasoo waagii hore loo aqbalay xudduud-badeed aan rasmi ahayn oo u dhexeysa Taiwan iyo dhulweynaha Shiinaha. Si rasmi ah, meelna uguma cadda arrintaas, sidaas darteed Shiinuhu wuu ka soo horjeedaa xudduuddaas.