Madaxweynayaassha Maamulada Galmudug iyo Hirshabeelle Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo Cali Xuseen Gudlaawe ayaa hoygiisa uu ka daganyahay Magaalda muqisho waxaa ay ku booqdeen Madaxweynihii hore ee Dalka Sharif Sheikh Ahmed.
Waxaa masuuliyiintaan ay kala hadleen Madaxweyne hore shariif shiikh Axmed xaaladaaha isbadel ee dalka ku yimid iyo sida loo wajihi doono doorashada dalka, taasi oo maanta uu Maxamed Cabdulaahi farmaajo ku wareejiyay awoodeeda Ra’iisal Wasaaraha xukuumada xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.
Sida oo kale waxaa kulankooda diirada ku saaray in wada shaqeynta dhow ay sheegaan madaxda maamulada iyo doorka ay ka qaadan karaan madaxdii hore ee Dalka qaabka doorashada u dhici doonto.
Ugu dambeyn waxaa maanta Golaha Shacabka cod aqlabiyad ku ansixiyeen in dib loogu noqdo heshiiskii doorashada ee 17-kii September, iyada oo ay soo xaadiray 140 mudane waxaa ogolaatay in sharciga loo noqdo heshiiskii 17-kii September dhamaan 140 Mudane ee Kulanka fadhiyay majirin wax diiday ama ka aamusay.



