Sheekh Shariif” Waa in si deg deg ah loo xaliyo tabashada kajirta doorashada Hir-Shabeelle”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo muddo todobaad gudahiis ah laba jeer tegay magaalada jowhar ayaa waxaa uu faah faahin ka bixiyay u jeedka safarka uu Maanta ku tegay halkaas.

Sheekh Shariif oo Warbaahinta kula hadlayJowhar ayaa waxaa uu sheegay inay wadaan howlo dib u heshiisiin iyo nabadeyn ah & in la xaliyo dadka tabashada ka qaba dhismaha Hir-Shabelle.

Waxaa uu sheegay in safarkiisa ay ku wehliyaan Siyaasiyiin & Odayaal kasoo jeeda, kuwaas oo doorweyn ka qaadan doono sidii si nabad ah ay ugu dhici laheyd doorashada hir-Shabeelle.

“Wax walba waxaa ay ku fiican yihiin in la xaliyo inta ay taagan yihiin, hadii aan hadda la xalin waxa Hir-Shabeelle kajira waxyaabo kale ayaan imana karo, waxaana rajeynayaa in doorashada Hir-Shabeelle ku dhacdo si nabad ah ayuu yiri” Sheekh Shariif.

Hadalkan ayaa xilliga uu sheegayay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxaa garbahiisa taagnaa Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo ah musharax Madaxweyne & Taliyihii hore ee NISA Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo kamid ahaa wafdiga la socday.