Sheekh Shariif oo walaac ka muujiyay Arrrimaha doorashooyinka dalka

Madaxweynii hore ee Soomaaliya sheikh Shariif Sheekh Axmed oo Maanta gaaray Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Baay ayaa sheegay in ujeedka socdaalkooda uu yahay wdatashiyo la xiriira arrimaha doorashooyinka.

Waxaa uu sheegay in waqti dheer loo soo maray Arrimaha doorashooyinka, isla markaana Madaxda Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed looga baahan yahay inay doorweyn ka qaataan Arrimaha doorashooyinka oo si wada ogol ah ay ugu dhacdo.

Sheekh Shariif oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo waxaa uu sheegay in tallooyin farbadan laga heli karo tallooyin wanaagsan loogana baahan yahay inay qaataan mowqif dadka isku soo dhaweyn kara, waxaana uu walaac ka muujiyay sida ay u socdaan howlaha doorashooyinka Soomaaliya.