Sheekh Shariif oo si adag u dhaliilay nidaamka doorashada qofka iyo cod ah.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa dhalilay hannaanka dowkadda federaalka Soomaaliya ay u waddo arrimaha doorasho qof iyo cod ah.

Shariif Sh Axmed oo ka mid ah Madasha mucaardka ah ee samatabixinta oo galabta shir jar’aaid ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in ay saluugsanyihiin sida dowladdu wax u waddo.

Madaxda sare ayuu ku dhaliilay in iyagu wax walba ay sameysteen oo ay isku koobeen isla markaana aysan dhag jalaq u siineyn aragtida mucaaradka.

Hadalka Sheekh Shariif ayaa imaanaya iyadoo dhawaanahaan shirar ay yeelanayeen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubnaha mucaaradka.

Inkastoo kulamadaas aan wax natiijo ah ka soo bixin haddana waxaa hadalka madaxweynihii hore ka muuqanaya halka ay wax marayaan.

Dowladda federaalka Soomaaliya dhnakeeda waxey ku adkaysanaysaa in doorasho qof iyo cod ah ay dalka ka dhacayso, iyadoo sheegtay in caqabado ay jiraan, laakin muhiimaddu ay tahay in shacabku markaan uu doorto madaxda matalaysa.