Sheekh Shariif oo MW Xasan Sheekh ugu digay dhul boobka ka socda Muqdisho.

Madaxweynihii hore e Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa  warsaxaafadeed uu soo saaray wuxuu digniin culus u direy madaxda sare ee Dowlada Faderaalka Somalia marka la eego cabashada dadweynaha ee dhanka dhulalka.

Shariif wuxuu uga digay Madaxda sare inaysan iska indha-tirrin dareenka bulshada ee maalin kasta cabasahadiooda muujinaya xili maanta Degmada Dayniile lagu dilay wiil dhalinyaro ah ku banaan baxayay Dowlada islamarkaa ka mid ahaa shacab ka cabanayay arimaha dhulka.