Madaxweynihii hore ee Dowladii KMG aheyd ahna Guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in loo baahan yahay in Madaxda Dowladda ay sharci ku dhamqaan,isla markaana aysan ku lumin waqtiga wax aan waxba kasoo baxeyn.
Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in dalka uu ku socda Waddo Mugdi ah oo haddii aan laga qaban laga shaleyn doono.
Waxaa uu soo hadal qaadey arrimaha doorashooyinka,waxaana uu sheegay in xilligaan aysan muuqan qorsho dhab ah oo dowladda ay ugu diyaar garowdey doorashada soo socota.



