Shaxa Rasmiga Ah Ee Southampton vs Man United

Kooxda Manchester United ayaa dooneysa inay ku soo laabato wadada guusha madaama aysan badinin tan iyo kulankoodii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedka iyadoo isbuucii la soo dhaafay ay guuldarro ka soo gaartay kooxda Crystal Palace.

Waxa ay galabta marti u yihiin kooxda Southampton iyadoo Manchester United ay isbuucaan labo xiddig amaah uga tageen Alexis Sanchez oo ku biiray kooxda Inter Milan halka Chris Smalling uu ku biiray AS Roma.

Daafaca bidix Luke Shaw ayaa dhaawac ku seegaya kulanka maanta iyadoo uu bedelay xiddiga waayo araga ah Ashley Young, halka daafaca dhexe ay iska garab ciyaarayaan Harry Maguire iyo Lindelof iyadoo Aaron Wan-Bissaka uu daafaca midig ka dheelayo.

Anthony Martial ayaa isna taam u noqon waayay kulanka maanta iyadoo Perierauu ku soo bilowday bedelkiisa halka Daniel James uu weerarka ku caawinayo Rashford.

Jesse Lingard oo aan si fiican u ciyaarin kulamadii ugu danbeysay ayaa keud la geliyay iyadoo bedelkiisa uu ku soo bilowday Juan Mata kaasoo khadka dhexe ka garab ciyaaraya xiddiga weli mustaqbalkiisa la hadal hayo Paul Pogba iyo McTominay.

Da’ yarkla weerarka ka ciyaara Mason Greenwood ayaa isna kursiga keydka fadhiya si la mid ah daafaca Marcos Rojo kaasoo ay United go’aansatay inay ceshato madaama Smalling la fasaxay.

SHAXDA RASMIGA AH:

Southampton: Gunn, Soares, Vestergaard, Bednarek, Danso, Romeu, Ward-Prowse, Hojbjerg, Boufal, Ings, Adams

Keyd: McCarthy, Yoshida, Stephens, Long, Armstrong, N’Lundulu, Valery

Man United: De Gea, Young, Lindelof, Maguire, Wan-Bissaka, Mata, Pogba, McTominay, Pereira, James, Rashford

Keyd: Romero, Lingard, Rojo, Greenwood, Matic, Tuanzebe, Chong