Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud ayaa amray in shaqada laga joojiyo Gudoomiyaha Xiriirka Cayaaraha Fudud ee Soomaaliyeed Khadiijo Aadan Daahir.
Go’aankan ayaa la xiriira fadeexad ka dhalatay sida loo xulay gabar Soomaaliya ku matashay tartanka orordada Jaamacadaha Adduunka.
Wasiirka ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in Xiriirka Ciyaaraha Jaamacadaha Soomaaliyeed, oo ahaa xirriirkii magaciisa looga qeyb galay tartanka oo ka dhacay dalka China, aysan wax diiwaan galin ah ka haysan Guddiga Olombikada Soomaaliyeed.
Sidoo kale ‘Guddiga Olombikada Soomaaliya ayaa fuliyey amarka kasoo baxay Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee Soomaaliya, kaas oo ahaa in shaqada laga joojiyo guddoomiyha xiriirka ciyaaraha fudud ee Soomaaliya marwo Khadiija Aadan Daahir.
Arintan ayaa daba socotay fadeexad hadal hayn dhalisay oo Soomaaliya kasoo gaartay tartan orod oo ka dhacay Shiinaha, kaas oo ay ka qayb gashay gabar la sheegay in aysan lahayn wax taariikh orodyahannimo ah isla markaana aysan ahayn ciyaaryahanad orodka ka tirsan.




