Shacabka kunool Beled xaawo oo dalbaday sii deynta Wasiir Janan

Shacabka ku nool degmada Beledxaawo ee Gobolka Gedo ayaa Maanta waxaa ay dhigeen banaanbax ay uga soo horjeedaan xarig shalay dowladda Soomaaliya ay Muqdisho ugu geysatay Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan).

Shacabka ayaa sheegay in Wasiir Janan oo ka mid ahaa dadkii dadaalka badan ku bixiyay Nabadgaliyadda Ammaanka degmada Beledxaawo, islamarkaana dowladda dhexe ee Soomaaliya ay Afduubatay.

Dadweynaha oo isugu jiray Haween, Carruur iyo dad kale ayaa isugu soo baxay wadooyinka waaweyn ee degmada Beledxaawo , iyaga oo wata boorar ay ku qoran yihiin Erayo ay ka mid yihiin dad israacay Miyaad diidan tihiin.

Qaar ka mid ah waxgaradkii ka qeyb-galay banaanbaxa ayaa waxaa ay ugu baaqeen Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya inay wasiirka Amniga Jubbaland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi Nuur ay si deg deg ah xurriyadiisa u siiyaan.