Shacabka Jigjiga oo hor istaagay Ciidanka Itoobiya iyo Xaalad fowdo oo ka taagan Diri-dhabe

Sidda ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah dadka kunool Magaalada Jigjiga ee xarunta dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya Ciidanka milateriga federaalka Itoobiya ee shalay ay isku dhaceen  shacabka ayaa maanta loo diiday in ay ka baxaan Magaalada Jigjiga.

Boqolaal ka mid ah Shacabka kunool Magaalada Jigjiga oo ka caraysan dhibkii shalay dhacay, ayaa waxa ay sheegeen in ciidamada Itoobiya ay u diideen in ay Magaalada ka baxaan,iyaga oo nabad qaba.

Shacabka ayaa dalbaday  ciidamada Itoobiya  inay hubka wareejiyaan,islamarkaana ay Magaalada ka baxaan, iyaga oo farabanaan.

Xerada ay ku jiraan tirada ugu badan ee ciidankaas waa xerada Garab case oo la sheegay in qiyaastii ilaa 250 askari oo milateri ay ku jiraan.

Waxaana ku hareysan Shacabka iyo Ciidanka Liyuu Boolis.

Ilaa 100 askari  ayaa la sheegay inay ku jiraan xerada Dul Qabow ee u dhow garoonka dayaaradaha ee magaalada Jigjiga, halka xero ku taalla dhanka Kaaraa mardha ayadana la sheegayo in ay ku jiraan askar ilaa 50 ah oo qaabilsan maamulka.

Xerada ay ku jiraan tirada ugu badan ee ciidankaas waa xerada Garab case oo la sheegay in qiyaastii ilaa 250 askari oo milateri ay ku jiraan.

Wararku waxay sheegayaan inay dhinac kasta ka fadhiyaan askar ka tirsan Liyuu booliska.

Dhanka kale Wararka ka imaanaya magaalada Diri-dhabe ee DDSI ayaa sheegaya in rabshado la mid ah kuwii shalay ka dhacay Jigjiga ay halkaas qarxeen.

Xaafadda Ashawa ayaa la sheegay in ay rabshaduhu ka billowdeen, waxaana irdaha loo laabay meheradaha suuq halkaa ku yaalla oo la yiraahdo suuqa Ashawa.

Rabshadahaas oo u dhaxeeya dhallinyaro Soomaali ah iyo qaar ka soo jeeda qowmiyadaha kale ee Itoobiya ayaa la sheegay inay ku fideen meelo kale oo ay ka mid tahay xaafad la yiraahdo Xaafad Ciise.

Xaalad fowdo iyo jahawareer ah ayaa laga soo sheegayaa inay magaalada Diri-dhabe ku jirto, ayadoo hadba dhinac la isu eryanayo.