Maamul goboleedka Puntland ayaa si khasab ah uga raraya dadka ku jira dhismayaasha dawladda ee magaalada Garowe.
Dawladda hoose ee Garowe ayaa hawsha fulinta amarkan oo lagu bannaynayo ilaa 50 xarumood oo dawladdu leedahay ka dambaysa.
Waxay sheegtay in horay loogu digay, balse qaar ka mid ah dadkii dagganaa hakaasi ayaa cabasho ka muujiyay tillaabadan.
“Waan doooneynaa in magaalada la qurixyo, balse waxay ahayd in naloo sheega oon digniin nala siiya, Khasaara ayaa na gaaray hadda markii meheradaheenii la burburiyay, Waxaan haysanaa waraqad ruqso ah in aan meeshan ku shaqeysan karna”, ayay tiri Sahra Axmed.
Duqa Magaalada Garowe ayaa sheegay in uu sii socon doono howlgalka lagu baneynaayo dhulka dowladda si ay u isticmaalaan Hay’addaha maamulka.


