Madaxweyne Qoorqoor oo baaq u diray Shacabka Galmudug

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa Shacabka Galmudug ugu baaqay in ay diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab oo uu sheegay in ay dhibaato ku hayaan degaano ka mid ah Galmudug.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa sheegay in guulo muhiim ah in laga gaaray dagaallo Shabaab iyo Shacab ku dhexmaray degaanada Shabeellow iyo Bacaadweyne ee Mudug.

Qoorqoor ayaa waxaa uu tilmaamay in Shabaab maalmihii lasoo dhaafay ay dhaqdhaqaaqyo ka bilaabeen degaano ka mid ah Galmudug loona baahan yahay in laga shaqeeyo sidii looga hortagi lahaa.

Waxaa uu xusay in Galmudug dhawaan ay qaadi doonto howlgal weyn oo Shabaab looga saarayo degaanada ay kaga sugan yihiin Galmudug.

Shabaab ayaa gacanta ku haya degmooyinka Xarardheere, Ceeldheer iyo Ceelbuur oo muhiim u ah maamulka Galmudug.