Shacab lagu rasaaseeyay Shabeellaha Dhexe

Sh/Dhexe-RisaalaFM- Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Dhexe, ciidamo ka tirsan Booliska Hirshabeelle ayaa rasaas ku furay gaari BL-ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah, kaasi oo marayay duleedka degaanka Qalimoow oo ka tirsan gobolkaasi.

Ciidankan ayaa in ay rasaasta furaan waxa ay ka dambeysay kadib markii ay ka shakiyeen gaarigan oo ku soo dhawaaday barta kontorool ee ay ku sugnaayeen, halkaasina waxaa ku geeriyooday laba ruux, halka ay ku dhaawacmeen Saddex qof oo kale.

Goobjoogayaal u waramay Idaacadda Risaala ayaa waxa ay sheegeen gaariga la rasaaseeyay inuu ka soo ambabaxay magaalada Jowhar, uuna ku soo jeeday magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Ciidamada rasaasta ku furay gaariga ayaa la sheegay in ay ka mid ahaayeen ciidamo ka tirsan Booliska Hirshabeelle oo shalay fariisimo ka sameystey degaanka Qalimow, si ay uga hortagaan weerarada Shabaab.

Masuuliyiinta maamulka Hirshabeelle ayaa waxa ay sheegeen in falkan uu dhacay hadana ay wadaan baaritaanada la xiriira dhacdadan, labada qof ee geeriyootay mid ka mid ah waxa ay aheyd Haweeney.