Sh/Dhexe-RisaalaFM- Xoogag ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa xalay weerar dhabagal ah ku qaaday degaanka Ceelka Geelow oo ku yaalla inta u dhaxeysa degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaasi oo bar kontorool ay ku leeyihiin Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka.
Weerarkan oo socday daqiiqado badan ayaa waxa uu dhexmaray Shabaabkii weerarka soo qaaday iyo Ciidamadii halkaasi ku sugnaa, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.
Dagaalyahanadii weerarka ku qaaday degaanka u dhaxeeya Qalimow iyo Gololey laguna magacaabo Ceelka Geelow ayaa la sheegay in ay la wareegeen barta koontarool kadib markii ciidamadii Dowladda ee halkaas ku sugnaa ay dib uga gurteen, waxayna gubeen guryo cooshado ka sameysan oo ku yiillay degaankaas.
Ciidamada Dowladda Federaalka oo gurmadyo kala duwan ka helay Jowhar iyo Balcad ayaa markale waxaa u suuragashay in ay dib ula wareegaan fariisinka, kadib markii ay ka baxeen Shabaabkii soo weeraray.
Ilo madax banana ayaa inoo xaqiijiyay in weerarkaasi Ciidamada Dowladda looga dilay Hal Askari, sidoo kalena looga dhaawacay dhowr Askari oo kale, inkastoo ilaa hadda aanan la ogaan Karin khasaaraha dhabta ah, maadaama xilli habeen ah ay aheyd.



