Shabaab oo weerar ku qaaday fariisin ay ku sugnaayeen AMISOM

Qoryooley-RisaalaFM- Xoogag ka tirsan Ururka Al Shabaab ayaa weerar ku qaaday fariisin ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ay ku leeyihiin degaanka Danoow oo hoostaga degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii rag hubeysan oo ka tirsan Ururka Al Shabaab ay dhawr jiho ka weerareen fariisin ciidanka AMSIOM ay ku leeyihiin degaankan.

Ilo xog ogaal ah ayaa waxa ay sheegeen labadan dhinac in halkaasi uu ku dhexmaray dagaal culus oo socday wax ka badan hal saac, kaasi oo la isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Dadka degaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen jugta madaafiicda iyo rasaas xooggan oo labada dhinac is dhaafsanayeen, illaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay deegaanka Danoow.

Idaacadda Andalus ee ku hadasha afka Shabaab ayaa baahisay in khasaare kala duwan la gaarsiiyay ciidanka AMISOM ee weerarka lala eegtay.

Al Shabaab ayaa inta badan weerarada gaadmada ah waxa ay ku qaadaan fariisimaha ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin gobolada dalka.