Baraawe-RisaalaFM- Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Duleedka Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose, xoogag ka tirsan Shabaab ayaa wadada u galay kolonyo gaadiid oo ay la socdeen ciidamada dowladda.
Weerarkan oo saaka dhacay ayaa wuxuu ka dhacay inta u dhaxeysa Degmada Baraawe ee Gobolka Shabeellaha Hoose iyo degaanka Ambareeso oo Baraawe aanan ka fogeyn.
Gaadiid Cabdi bilayaal ah oo ciidamada dowladda ay wateen ayaa wadada loo galay, xilli ay doonayeen inay gaaraan degaanka Ambareeso, halkaasi oo ciidamo kale oo dowladda ka tirsan iyo kuwa AMISOM ay ka wadeen geed jaris ku aadan goob la doonayo in laga sameeyo Saldhig ciidan.
Dagaal culus ayaa wuxuu dhexmaray ciidamadii Shabaabka ahaa ee weerarka jid galka ah u dhigay ciidamada dowladda ee gaadiidka dagaalka watay.
Saraakiil ka tirsan ciidamada dowladda ayaa waxa ay sheegeen in Hal askari uu kaga dhintay weerarkaasi Ciidamada Dowladda, iyaga oo sidoo kale sheegay in dhankooda ay dileen tiro Dagaalyahano ah oo Shabaab ka tirsan.



