Dowladda Iraan ayaa sheegtay in dagaalyahanada Al-Shabaab ay gacanta ku hayaan Kalluumeysato dhalatay dalka Iran.
Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalka Iiran ayaa sheegay in Shabaab ay afduub ahaan u haystaan dad u dhashay dalka Iran, kuwaasi oo ah Kalluumaysato ka jilaabanayay xeebaha Soomaaliya.
Waxaa la aaminsan yahay in dadkaasi ay gacanta kusoo dhigeen Kooxaha Burcadbadeeda Soomaalida ka dib ay gacanta ku galiyeen dagaalyahanada Al-Shabaab ee ku sugan Soomaaliya.
Xildhibaan Abdolqafur Iranejad, waxaa uu sheegay in 18 qof oo u dhashay dalka Iran lagu afduubtay Soomaaliya 4 ka mid ah waxaa gacanta ku haayay Kooxaha Burcad badeeda Somalida, balse wada hadal kadib laga sii daayay halka 14 kale wali ay gacanta ku hayaan.
Waxaa uu sheegay in ay cabsi badan ka qabaan Xaaladda Ammaan ee dadkaasi ,maadaama ay gacanta ku hayaan Al-Shabaab.



