Xudur-RisaalaFM- Ururka Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday laba sarkaal oo saarnaa Mooto, kuwaasi oo ka baxay degmada Xudur, kuna sii jeeday degaan duleedka ka ah degmadaasi.
Degaanka ay ku siijeedeen labadaasi sarkaal ayaa waxaa ku sugnaa Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed, balse iyaga oo aanan gaarin degaanka ayaa waxaa dhexda u galay Dagaalyahano ka tirsan Shabaab, sidaasina halkaasi loogu dilay.
Ciidamo gurmad ah oo ka baxay degmada Xudur, gaarayna goobta uu weerarka ka dhacay ayaa waxa ay wadaan Holwgallo lagu raadinayo raggii ka dambeeyay weerarkaais.
Wariyaha Risaala ee degaanada Koonfur Galbeed Siid Cali Muuse Maxamed (Ateera) ayaa khadka telefoonka waxa uu ugu waramay Feysal C/laahi Maxamuud oo Risaala ka tirsan.



