Basra-RisaalaFM- Ururka Al-shabaab ayaa la wareegay degaaanka Basra iyo degaano kale oo hoosyimaada, kana tirsan Gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib markii ay ka baxeen Ciidamada Dowladda Federaalka.
Duhurnimadii maanta Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo Al-shabaab ayaa wuxuu ka dhacay degaano ka tirsan Shabaab, kaasi oo socday mudo saacado ah.
Dadka degaanka ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Shabaab ay gudaha u soo galeen degaaanka Basra, waxaana Shabaabka ay baaritaano ka wadaan saldhigyadii Ciidamada Dowladda.
Shabaab ayaa goob fagaare ah dadka degaanka isugu keenay, iyaga oo u jeediyay khudbado, waxaana jira dad shacab ah oo degaanka xaalad cabsi ah uga baxay, sida ay inoo sheegeen ilo lagu kalsoonaan karo.



