Sh/Hoose-RisaalaFM- Ururka Al-shabaab ayaa dab qabadsiiyay Tuulada Busley Daa’uud oo ka tirsan Degmada Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose, sida ay inoo sheegeen masuuliyiin ka tirsan Gobolkaasi.
Shabaabka Tuulada dabka qabadsiiyay ayaa la sheegay in ay yimaadeen saakay aroortii, kadibna ay gubeen.
Risaala warkan waxaa u xaqiijiyay Guddoomiyahii hore ee Degmada Marko ee Gobolka Shabeelaha Hoose Maxamed Cusmaan Yariisow, wuxuuna sheegay Ciidamo ka tirsan Millitariga Soomaaliya in ay ku baxeen falkaasi.
Maxamed Cusmaan Yariisow ayaa inoo sheegay sababta Shabaab ay u gubeen Tuuladaasi in ay tahay, sidii ay shacabka u barakicin lahaayeen, wuxuuna tilmaamay Shabaab in ay horey u gubeen 24 Tuulo oo Shabeelaha Hoose ka tirsan.
Sidoo kale waxa uu sheegay mar walba Shabaab in ay bartilmaameedsadaan meelaha ay shacabka ku badan yihiin.
Faa’iso Cabdi Warsame oo Risaala ka tirsan ayuu qadka telefoonka ugu waramay.


