Shabaab “Ciidamo ka tirsan DF-ka ayaa isa soo dhiibay”

Sh/Dhexe-RisaalaFM- Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay in ay isku dhiibeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ka ambabaxay Degaano ka tirsan Shabeelaha Dhexe.

Al-shabaab ayaa waxa ay sheegteen Askar gaareysa Sideed Askari in ay isku dhiibeen isalamarkaana lagu soo dhaweeyay Degaanka Cali-fooldheere oo hoostaga Degmada Mahadaay ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Sidoo kale Shabaabka ayaa waxa ay sheegeen Askartan in ay la shaqeyn jireen Ciidanka AMISOM iyo kuwa Dowladda Federaalka, balse ay garowsadeen in ay isku dhiibaan Maamulka ururka Al-shabaab.

Waxa ay kaloo Shabaab sheegeen in ay soo dhaweynayaan cid kasta oo isku soo dhiibta Maamulkooda, ilaa hada ma jirto ilo ka madax banaan Shabaab, oo cadeynaya in Ciidan ka tirsan Dowladda ay isku dhiibeen Shabaab.

Saraakiisha Ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaan la sameynay xiriir, hase yeeshee wicitaankeena ayay ka jawaabi waayeen.