Sevilla oo Old Trafford ku garaacday Man United

Sevilla ayaa soo tiigsatay quarter final-ka tartanka Champions League kadib markii ay si xarago leh u garaaceen Man United, Ben Yedder ayaana noqday geesiga kooxda reer Spain.

Manchester United ayaa sameysay hal fursad qeybtii hore ciyaarta, waxaana u dhawaaday inuu gool dhaliyo Fellaini, balse Sevilla waxey aheyd kooxda mar walba kubadda dhankeeda ku wanaagsaneyd.

Qeybtii labaad ee ciyaarta ayey Sevilla lasoo baxday kubad cajiib ah, waxeyna dhawr jeer sameeyeen isku dayo ay gool ku doonayaan, si la mid ah Man United ayaa weerar gaabis ah sameyneysay.

Wissam Ben Yedder ayaa shabaqa soo taabtay isagoo laba daqiiqo kaliya ku jira ciyaarta, si fiican ayuu difaac uga habeystay ka hor inta uusan shabaqa kubadda u dhex dhigin.

Afar daqiiqo kadib Wissam Ben Yedder ayaa shabaqa soo taabtay kubad muran badan la galiyay balse xaariiqda dhaaftay, wuxuuna ahaa gool niyadda ka jabiyay ciyaartoyda & jamaahiirta kooxda Red Devils.

Romelu Lukaku ayaa gool rajo soo celin ah shabaqa soo taabsiiyay, wuxuuna isku dayay inuu soo celiyo natiijada ciyaarta.

Man United uma suuragalin iney gool kale hesho, natiijada ayaana ku dhamaatay 2-1, Sevilla ayaana usoo baxday wareega quarter final-ka tartanka.