Sergio Ramos: “Ma Ahan Wakhti Ku Haboon In Xilligaan Kulamada Qaranka Lagu Ciyaaro Barcelona”

Kabtanka qaranka Spain Sergio Ramos ayaa ka dhawaajiyay in xilligaan aysan aheyn wakhtiga ugu haboon oo ay qaranka La Roja ku ciyaari karaan magaalada Barcelona maadaama ay xassilooni ka jirto gobolka Catalonia.

Ramos oo sidoo kale hogaamiyaha kooxda Real Madrid ah ayaa tusaale usoo qaatay baaqashadii kulanka El-Clasico, wuxuuna ka dhawaajiyay taas darteed in xilligaan gobolka Catalonia uusan soo dhaweyneynin kulanka qaranka ah.

“Ma ahan wakhtiga ugu haboon oo ay Spain kulan ku ciyaaraan Barcelona, sidaan ka aragnay El-Clasico” ayuu yiri Sergio Ramos oo la hadlaayay saxaafadda.

“Waxaan rajeynaa in sida ugu dhakhsiyaha badan loo xaliyo arintaas, sidoo kalana wadankeena uu wax walba miisaamo”

“Maxaan u aadi la’nahay uguna ciyaari la’nahay Barcelona”

“Hubanti waxaa halkaas jooga dad doonaya iney halkaas qaranka ku arkaan”