Junior uu ugu hambalyeeyay inuu ku biiray Barcelona, wuxuuna qiray iney yahiin saaxiibo ilaa yaraantoodii bal ay yahiin kuwa kala dabeecado duwan.
Philippe Coutinho ayaa lasoo bandhigay maanta isagoo ugu biiray Barcelona aduun dhan 160 Malyan oo Euro, taasoo ka dhigan inuu kaliya ku xigo Neymar, sidoo kalana wuxuu qiray inuu la hadlay Suarez iyo sidoo kale Paulinho.
“Waxaan Neymar kula ciyaaray qaranka, waxaan aheyn saaxiibo ilaa caruurnimadeenii” ayuu yiri Coutinho.
“Wuu iigu hambalyeeyay, wuxuuna ii sheegay inaan qolka labiska ku arki doono dad cajiib ah”
“Luis Suarez iyo Paulinho ayaan sidoo kale la hadlay, waxaana rajeynayaa iney ii noqoto halkaan farxad”