Muqdisho-RisaalaFM- Xafladda daahfurka tartanka dugsiyada sare ee gobolka Banaadir oo ay qabaneyso Idaacadda Risaala ayaa maanta waxa ay ka dhacday magaalada Muqdisho gaar ahaan hool ku Jaamacadda Banaadir.
Tartanka Dugsiyada Sare ee Risaala ayaa waxaa maalgeliyay Jaamacadda Banaadir, taasi oo Abaalmarin gudoonsiineysa iskuulada kaalmaha hore ka gala tartankan.
Xafladdan ayaa waxa ka soo qeyb galay Senator Dr. Cusmaan Maxamuud Dufle, Agaasimaha guud Idaacadda Risaala Maxamed C/wahaab C/laahi Guddoomiyaha Jamacadda Banaadir Dr C/risaaq Dalmar, Macalimiin iyo Ardayda ka qayb galeysa tartanka.
Maxamed C/wahaab Agaasimaha Idaacadda Risaala ayaa ugu horeyn u mahadceliyay maamulka Jamaacadda Banaadir sida ay uga qeyb qadanaayan taabagalinta tartanka, Isaga oo sharaxaad ka bixinayay tartankaan ayuu sheegay tartankan ujeedkiisa in uu yahay sidii loo hormarin lahaa Afka Soomaaliga iyo taaariikhda dalka.
Gudoomiyaha Jaamacadda Banaadir Prof. C.risaaq Axmed Dalmar ayaa sheegay tartankan in ay kaga gol leeyihiin sidii Ardeyda ay isku dhexgali lahaayeen, wuxuuna Risaala ku amaanay waxqabadkeeda wanaagsan ee ay bulshada ay u heyso.
Xildhibaan Dr. Cusmaan Maxamuud Dufle oo sidoo kale ka tirsan macalimiinta ugu waa weyn ee Jaamacada Banaadir ayaa Risaala iyo Jaamacada Banaadir ugu hambalyeeyay tartankan ay iska kaashanayaan.
Sidoo kale Dr. Dufle ayaa sheegay Tartankan in uu ka duwan yahay tartamada kale ee ay qabanayaan warbaahinada kale, maadaama keliya lagu tartamaayo Afka Soomaaliga.
Dhanka kale maanta Tartanka Iskuulada Dugsiyada Sare ee Risaala oo maanta furmay waxaa ku tartamay Iskuulada Xamar-cadde iyo Tayo, kuwaasi oo Ardadooda ay si toos ah ugu sugnaayeen xarunta dhexe ee Risaala.
Ugu dambeyntii guushii ugu horeysay ee Tartankan waxaa gaaray Iskuulka Tayo, kadib markii uu 5 iyo 4 uga badiyay Iskuulka Xamar-cadde, sida uu ku dhawaaqay Feysal C/laahi Maxamuud oo ka tirsan Guddiga Tartanka.
warka Xaflada furitaanka tartanka Dugsiyada ee Risaala







