SAWIRRO: Xafladda daahfurka Qaamuuska Doorashooyinka oo ka socota Muqdisho

Maagalada Muqdisho waxaa ka socota Xaflad  lagu daahfurayo qaamuuska doorashooyinka iyo istiraatiijiyadda 5ta Sano ee soo socota.

Munaasabaddaan ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiiro, Xildhibaano iyo Wakiilo ka socda Beesha Caalamka.

Wasiirka Qorsheynta ayaa sheegay in ay muhiim tahay helida Qorshe Cad ah oo ku aadan Istiraatiijadda doorashadda.

Gudoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa Banaan ayaa goobta kusoo bandhigtay Qorsha howleedka ay soo diyaariyeen..

Madaxda ugu sareysa dowladda Soomaaliya ayaa lagu waddaa in ay ka qeyb galaan Munaasabaddaan.