Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Yuusuf Garaad Cumar ayaa Magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar kula kulmay Madax ka tirsan Ururka Jaamacadda Carabta.
Waxaa kulankaasi diiradda lagu saaray Iskaashi dhexmara dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale Jaamacadda Carabta.
“Magaalada Qaahira oo aan imid waxaa Xarunta ururka dalalka Carabta igu qaabbilay Xoghayaha Guud, Dr. Ahmed Aboul Gheit. Waxaan ka wadahadalnay Soomaaliya iyo iskaashiga ay la leedahay ururka aan xubinta firfircoon ka nahay” Ayuu yiri Wasiir Yuusuf Garaad.
Wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa dalka Masar, halkaasi oo uu ka socday Shirka Madasha Ganacsiga Afrika.



