SAWIRRO: Wadada Makah Al-Mukaramah oo dib u furantay

Waxaa Goor dhow dib u furantay Wadada makah Al-Mukaramah oo Muddo Saacad ka badan u xiran tahay Gaariga loo shakiyay in uu siday waxyaabaha Qarxa oo lasoo dhigay kasoo horjeeda Hoteelka Makah Mukaramah ee Muqdisho.

Ciidamada Miino baarista ee Ciidamada Booliska ayaa halkaasi soo gaaray, waxaana ay baaritaan ku sameeyay Gaarigii halkaasi yaallay oo u lahaa qof Shacab ah ,islamarkaana aan sidin Qarax.

Isku socodkii Gaadiidka iyo dadka ee Wadada ayaa Caadi kusoo laabtay.