SAWIRRO: Shirka Wadatashiga IGAD oo Muqdisho ka socda

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka socda Shirka wadatashiga dalalka IGAD ku midoobey, waxaana Shirkaan looga hadlaayo arrimo dhowr ah oo ku saabsan dalalka IGAD.

Shirkaan ayaa inta badan waxaa diiradda lagu saaraya hanaanka xuduudaha dalalka IGAD sidii layskaga gudbi lahaa fiisa la’aan.

Waxaa Shirkaan ka qeyb galaya xubno ka socda dalalka IGAD Dowladda Dhexe ee Soomaaliya iyo sidoo kale maamul goboleedyada Wakiilo ka socda.

Shirkaan ayaa ka socda xarunta Ciidamada AMISOM ee Muqdisho , waxaana uu noqonaya Shirkaan  kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee lagu qabto Magaalada Muqdisho.

Sanadyadii ugu dambeeyay dalalka IGAD ayaa dadaal badan ku bixinaayay sidii loo hagaajin lahaa Xiriirka socdaalka ee dalalkaasi ka dhaxeeya.