SAWIRRO: Shirka Maaliyadda oo ka furmay Magaalada Kismaayo

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa magaalada Kismaayo ka furay shir looga hadlayo Maaliyadda oo ay ka qeyb galayaan Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Maaliyadda, Wasiirada Maaliyadda ee dowlad Goboleedyada iyo marti sharaf kale oo shirka lagu casuumay.

Shirkan ayaa looga hadli doonaa qaabka loo mideyn lahaa canshuuraha dalka, gaar ahaan Dowlad goboleedyada iyo mida ay qaado Dowladda Federaalka ah, waxaana shirkan laga soo saari doonaa Warmurtiyeed.

Wasaaradda Maaliyadda xukuumadda Soomaaliya ayaa wada dadaalo lagu hormarinayo dhaqaalaha dalka, waxaana ay xooga saareysaa sidii loo mideyn dhaqaalaha guud ahaan dalka.