SAWIRRO: Shirka M/Goboleedyada oo ka furmay Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee caasimadda KMG ah maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa goor dhow ka furmay  shirka madaxda maamul goboleedyada, kaasi oo looga hadlayo dhawr ajande.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), Madaxeynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf), Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare iyo Madaxweyne Shariif Xasan oo marti loo yahay.

Shirkaan ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah Wasiiro iyo Xildhibaano ka socda maamul goboleedyadda.

ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana xerooyinka laga soo saaray ciidamo cusub, kuwaasi oo la dhigay wadooyinka iyo xarunta shirka lagu qabanayo, si ay uga hortagaan arbushaad dhacda inta uu socdo kulanka.

Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa waxa ay sheegayaan in dowladda Soomaaliya ay walaac ka muujineyso waxa ka soo bixi kara shirkan, maadaama maalmahan uu jiray mad madow u dhaxeeyay madaxda dowladda iyo qaar ka tirsan madaxda maamul goboleedyada.