(SAWIRRO) R.W Khayre iyo wafdi Wasiiro ah oo gaaray Kismaayo

Kismaayo-RisaalaFM- Xasan Cali Kheyre Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya  iyo wafdi Wasiiro ah oo uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray magaalada Kismaayo, halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyay.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo Madaxweynaha Jubbaland iyo xubno ka tirsan maamulkiisa.

Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa maalinta berri oo Khamiis ah shirkooda u horeeyay ku yeelanaya magaalada Kismaayo, sida uu horay u iclaamiyay Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in Kismaayo uu yimaado, isla markaana uu ku shir guddoomiyo shirka todobaadlaha ee Golaha Wasiirada.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo wafdiga Ra’iisul Wasaaraha iyo wasiiradiisa ee Kismaayo tagay, waxaana uu ku tilmaamay in Kismaayo lagu qabto shirka Golaha Wasiirada ay guul u tahay dadka Jubbaland, ayna qeyb ka tahay baahinta dowladnimada.