(SAWIRRO) Qaraxa ka dhacay wadada Maka Al-mukarama

Muqdisho-RisaalaFM- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax gaari oo galabnimadan ka dhacay wadada Maka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan meel aan sidaas uga fogeyn Garaasha Xaaji Baasto.

Gaariga qarxay oo nuuciisa uu ahaa kuwa raaxada ayaa la sheegay in la soo dhigay wadada dhinaceeda, kadibna laga shakiyay, sidaasina Ciidamada ammaanka ay ku xireen wadada, shacabkana ay uga digeen in ay u dhowaadaan gaariga.

Ciidamada ammaanka oo bilaabay xal u helista gaariga laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa mar qura waxaa qarxay gaariga, kaasi oo jugtiisa laga maqlay qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir.

Inta la xaqiijiyay qaraxan ayaa waxaa ku dhaawacantay laba qof oo shacab ah, kuwaasi oo loo qaaday mid ka mid ah isbitalada ku yaalla Muqdisho, si xaaladooda caafimaad loo dabiibo.

Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa waxa ay muujinayaan bur bur xoogan oo soo gaaray qaar ka mid ah goobaha ganacsi ee halkaasi ku yaalla.