Meydka Wasiirkii Arrimaha gudaha iyo Dowladaha hoose ee Maamulka Koofur Galbeed Madoobe Nuunoow Maxamed ayaa laga dejiyay Magaalada Baydhaba ee Xarunta Gobolka Baay.
Waxaa uu ka mid ahaa mas’uuliyiinta ku dhintay weerarkii shalay gelinkii dambe ka dhacay Hotelka Naasahablood 2 ee Magaalada Muqdisho.
Waxaa lagu waddaa in lagu Aaso Magaalada Baydhabo sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta maamulka Koonfur Galbeed.



