Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray magaalada Ankara ee dalkaTurkiga, halkaas oo uu kula kulmayo dhiggiisa Turkiga, Rajab Dayib Erdogaan.
Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadli doona sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga iyo xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya labada dal, gaar ahaan iskaashiga dhanka militariga, amniga, xoojinta iyo joogtaynta gulufka lagu ciribtirayo Khawaarijta.
Socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa imaanaya xili Soomaaliya la keenay diyaarado dagaal oo Turkiga laga keenay, kuwaas oo maalmahaan lagu howlanaa dib u howlgelintooda.
Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Xasan Sheekh uu Turkiga kusoo saxiixaya heshiis ku saabsan diyaaradahaas oo ka howlgeli doona dalka oo dhan, gaar ahaan goobaha ay joogaan kooxaha argagixisada ah.
Madaxweynaha dalka Turkiga iyo madaxda sare ee shirkadda sameysa diyaaradaha Turkiga ee Bayraktar, heshiisyada la gelayo ayaa ku saabsan howlgelinta diyaaradaha cusub ee Soomaaliya la keenay oo labo nooc oo casri ah, kuwaas oo ugu yaraan seddax xabo ah.




